Shirka Minesota waa ka iibsami karaa Samarroon haddii xoogga la saaro Danta loo baahan yahay.

February 8, 2010
By staff-reporter
Feb 08,2010

Awdalpress-Canada- Muran kama taagna in beesha Samarroon ay shir qabsan doonaan wakhti kasta iyo goob kasta oo door bidaanna ay ka dhici doonto, in ay shiraanna waxa ay kala mid yihiin  beelaha Kale ee somaliyeed oo aan aragno in ay maalin walba qolo shirayso. Waana mid nasiib darri ah haddii ay dadka qaar u sameeyaan cudur daar ay ku sheegayaan in aanay maanta u habboonayn in Samarroon qabsadaan  shir ay ayaahooda kaga tashanaayaan, taasina waxan u arkaa in ay u egtahay fikir qaldan, oo ay ka dambeeyaan ujeeddooyin siyaasadaysan.

Haddaba shirkan maanta lagu baaqay ee ka dhici doona Minnesota ay iskama iman ee duruufo iyo sababo laga maarmi waayey ayaa keenay. Waxana qabsoomidiisa u sare istaagay aqoon yahan iyo waxgarad Samarroon ah, oo weliba ka sameeyey darraasad iyo wada tashi badan. Sida lagu rajo weyn yahayna waa lagu guulaysan doonaa, haddii xoogga la saaro ujeeddooyinka iyo Istaraatiijiyadda waafaqsan baahida shirka keentay.Isla markaana la isku soo dhaweeyo afkaarta loona wada tashado si walaaltinnimo.

Maaha shirkii ugu horreeyey ee qurbo joogga Samarroon qabsadaan oo loogu talo galo in wax kasta lagaga hadlo. Waxa ka horreeyey shirkii Ottawa ee la qabtay ka hor shirkii Carta ee Somaliweyn. Shirkaas Ottaw ayaa innoogu dambeeyey shir Samarroon  kaga hadlo baahida dadkooda.Wixii shirkaas ka dambeeyey waxa aad moodeysey inuu Gadabuursi aad iskaga  ilaalinayey in shir siyaasadeed amma Ijtimaac la qabto.Sababtuna waxay ahayd shirkaas Ottawa oo si weyn loogu kala qeybsamay oo Samarroon Waxgaradkiisii u kala qeybsamay labo kooxood oo u kala safan Somaliweyn iyo S/Land kuwasoo isku mariwaayey afkaartii ay kala aminsanaayeen. Wixii shirkaas ka dambeeyey koox walliba waxa ay ku adkaysanaysey mowqifkooda.

Waxa laba sano ka hor la qabtay shirkii lagu dhisay ARDAA kaasi oo meesha laga saaray in lagaga hadlo siyaasad.Waxa kaliya ee culeyska la saaray dhinaca horumarinta oo ahayd waxa kaliya ee Samaroon heshiiska ku ahaa.

Waxana sidaas loo yeelay in koox walba lagu ixtiraamo jihada ay samarroon ay u doorteen inay u hayaamiyaan oo kala ah S/land iyo Somaliweyn inay ka jibo keento.

Haddaba iyadoo arintu sidaas tahay ayaa sanadkii dhoweyd ee 2009 waxa dhacay waqcado siyasadeed oo muhiim ah oo wax ka bedlay duruufihii siyasadeed ee hore uga jiray Somaliya iyo S/land.
Duruufahaa iyo xaaladahaa adag ee siyaasadeed ayaa dhaliyey Jawi ay markale waxgradka Samarroon ee gudaha iyo dibadda joogaa ay ka fekaraan sidii ay iskugu  iman lahaayeenin shir ay aayahooda kaga tashan lahaayeen. Waxa duruufahaa iyo isbeddelkaa siyasadeed ee ka dhacay dalku uu keenay in labadii kooxood ee meesha fog kala taagnaa ay isku soo dhawaadaan ka dib markii koox walliba ay darbiga soo taabtay ee ay quus ka soo joogsadeen Himilooyinkoodii..
Dhinaca S/land Iyo Somaliweyn.  Waxa sannadkii hore 2009 ka dhacay S/Land dagaal sokeeye oo dad badan oo fikirkaas S/Land aminsanaa ay u arkayeen in laga bogsaday wixii hore look ala tirsanayey.Dagaalkaa sokeeye ee laga dhex huriyey beelaha Galbeed waxa sal u ahaa herdan siyasadeeed oo Hargeysa ka socday oo dhexmarayey axsaabta mucaaridka iyo xukuumadda oo aan cidna loo tudhin ilaa ay gaadhay colaaddii galbeed laga abuuray in ay gaadho Caasimadda oo ay ka dhaceen iska horimaad hubeysan oo ay dad ku dhinteen.

Ugu dambayntii markii la gaadhay xaalad ammaan darro oo khatar galisay S/Land ayaa gurmad waxa ka galay dalka deriska ah ee Itoobiya iyo Yurub oo dhexdhexaadin ka galay in ay xaaladdii cakirayd ay ku dajiyaan.Xaaladaa ammaandarro iyo herdankii Hargeysa ka socday waxa kaloo uu sababey waxa aan hore uga dhicin S/Land oo ah in dad masaafur ah oo udhashay Awdal jidka loo galo oo hilibkooda loo jar-jaro.Duruufahaa qallafsan ee sannadkii dhoweyd ka dhacay S/Land iyo saluug dheeraad ah oo marka horeba ka jiray qaabka awood qeybsiga dalka ayaa keenay in Samarroonkii aaminsanaa S/Land ay candhuuftooda dib u liqaaan oo ay su,aalo badan iska weydiiyaan hamigoodii siyasadeed yo himilooyinkoodii.

Dhinaca Koonfurta amma Soomaliweynta:Sidoo kale sannadkii 2009 waxa dhacay isbeddel aad u weyn ka dib markii ciidammadii xabashida lagu jabiyey dagaalkii ee dalka ay ka baxeen.Waxa la dhisay Dawlad aanay uwada dhammayn kooxihii dagaalka la galay Itoopia oo maqaar saar ah. Dawladaas sidii caadada ahayd Jabouti ayaa lagu soo dhisay waxana hoggaaminayey Shariif oo ka tirsanaa maxakamadihii Islamiyiinta.

Dagaal sokeeye oo aan hore uga dhicin ayaa Xamar iyo koonfur ka dhacay dib uga curtay illaa immigana ka socda. Alshaab iyo Xisbul islam oo dhinac ah iyo xukuumaddii shariif oo dhinac ah. Dagaalkii wuu socdaa Soomaaliyana waxa caddaatay inay ku herdamayaan xoogag Caalami sida Alqaacida,Eriteriya,Ethiopiya, Calooshooda u shaqaystayaasha Amison ee reer Yurub iyo Maraykan ay dhaqaalahooda bixiyaan.Waxa intaas soo raaca Maraakiib calami ah oo iska hoganaya xeebaha koonfureed oo aan la kala garanayn inay budhcad badeedda (Pirates) la shaqaynayaan iyo inkale.
Arimahan iyo isbedelkan siyasadeed ee sannadkii hore 2009 ka dhacay koonfur iyo rajo la,aantaasi waxay sidoo kale saamayn ku yeesheen fikirkii iyo mawqifkii taageerayashii Samarroon ee Soomaaliweyn, taasoo ay inta badan hoggaaminyeen aqoonyahanka Samarroon. Kuwaasi oo si hagar la,aana ah iskugu  hawlay 20 kii sano ee u dambeysey inay mar uun dhalato Dawlad Somaliyeed, welina ay qaar daba socdaan.
Waxa haddaba muuqatay in taladii koonfurta somaliya aanay Somali faraha ugu jirin,oo cid tamar u haysa aanay jirin haba yaraatee wax ka qabadkeeda.

Arrimahaa iyo duruufahaa siyasadeeed ee saamaynta ku yeeshay fikirkii waxgaradkii Samarroon ayaad mooddaa immika inay jirto furasad aan hore u soo marin oo si miyir qab leh la iskula eego danta Samarroon si wadajir.

Waxaa kale oo mar hore carabka lagu dhuftay doorashada S/land iyo Madaxweyne Rayaale in shirka Minesota carqalad ku yahay.

Runtii madaxweyne Rayaale waxa ku xeeran 60 nin oo barlamaan ah iyo 60 nin oo guurti ah oo isku beel ah.Waxa kale oo ku xeeran afar hogamiye oo labana golayaasha hoggaamiyaan labana xisbiyada mucaaridka oo talada kula herdamaya,iyo laba General oo kala haysta Ciidanka Poliska iyo Millatariga oo isku wada beel ah iyo afartan wasiir oo isku beel ah.Sidaa awgeed madaxweyne Rayale joogistiisa iyo tegistiisu wax farqi ah uma laha beelaha Samarroon iyo Harti Bari midnaba illaa inta xal isku dheellitiran loo helayo awood Saami qeybsiga talada dalka Soomaliland oo aan immiga isku dheelitirnayn.

Dr. Bulxanaybaa buug qoray sannadkii hore, Buuggaasi oo magaciisu yahay Politics of Cain  waxa uu ka hadlay sidii ay u burburtay xukuumaddii somaliyeed.Waxana uu sababta burburka asaas uu uga dhigay Dulmi xad-dhaafka ahaa ee dhinaca talada iyo awood qeybsiga ahaa ee ay Beeshiisa(Isaaq)  ku sameeyeen labada beelood ee Hawiye iyo Darood markii la isku biiray 60kii.Waxa uu qoruhu buuggiisa ku xusay in Cigaal oo beeshiisa ka soo jeeday uu doorashadii 1967 uu talada gacanta ku dhigay ka dib markii uu hantay jagada Ra’iisal wasaaraha.Hase yeeshee halkii laga filayey Cigaal inuu beelaha Woqooyiga oo ku dulman dhinaca awoodda kuraasta uu wax u kordhin lahaa uu kaliya labadii beelood ee Hawiye iyo Darood uun awooddii kuraasta wasaaradaha u sii kordhiyey.Rayaalena waa sidaas oo kale oo awooddan ku xeeran inuu wax u sii siyaadiyo mooyaane ha ka sugin wax kale oo xal ah ,waayo awoodba uma leh sidaa Cigaal.

Haddaba shirka ayaa laga sugayaa inay si cad oo aan gabbasho lahayn inuu u qeexo arimahaasi,isla markaana ay soo jeediyaan wixii talooyin ah sidii xal waara loogu heli lahaa waxka qabadkooda.
Waxan ugu dambaystii ku dhiirigalinaynaa qabanqaabiyaaasha shirka inay is ballaadhiyaan oo dhaammaanba lagu martiqaado shirka dadkii ku kala fogaa afkaarta oo immika isku soo dhawaanaya.
Waxana laga rajaynayaa shirku in uu shiishka saaro 20kii sano ee u dambaysay Samarroon wixii u qabsoomay iyo wixii la ilduufay.
Kadibna iyadoo laga duulayo duruufahan cusub in la qeexo jiho waxqabad iyo fikiradeed oo loo mideysan yahay.
shirku wuu guuleysankaraa go,aannadiisana, Samaroon waa uu ka iibsami karaa ,kaliya haddii xoogga la saaro sidii beelweynta Samarroon looga samato bixin lahaa mawjadaha siyaasadeed ee ku habsaday.

Mohamed Dhiirane

Comments are closed.

Ha iga ooyin aamu hooyo