Qalab Culus Oo Dhinaca Biyaha Iyo Wershedeynta Ah 0o La Keenay Borama Iyo Dhibaatada Qalabkaasi Kula soo Kulmay Jidka U Dhexeeya Boorama Iyo Dila

February 7, 2010
By staff-reporter

Posted in February 7th, 2010

Borama-(Lug)-Dadweynaha magaalada Boorama ayaa shalay gellinkii hore isugu soo baxay dhinacyada waddada laamiga ah,  si ay u arkaan ku dhawaad sideed koontaynar oo saaran gaadiidka  dhaadheer ee caanka ka ah dekedda Berbera. Waddoonyinka aadka u liita isla markaana aadka u yar yar Hargeysa iyo Booramana  ku dhex maray si cidhiidhi ah. Dadweynahan oo qaarkood daawanayeen dhererka kontaynarada saaran iyo waxa ay sideen oo ay ka sheekaynayeen, qaarna daawanayeen  wiishashka dhaadheer ee aan hore loo arag, Cagafyada iyo riigga biyaha, ayaa aakhirataankii gaadhay goob ku taalla bariga magaalada Boorama ,isla markaana la bilaabay hawl ku saabsan sidii qalabkaasi looga dejin lahaa gaadiidka ay sarraayeen.

Qalabkan oo ah kii ugu horreeyey  ee qurbajoogga  reer Awdal  ka soo dejiyaan  dalka ama gobolka Awdal ayaa waxa leh ganacsadaha reer Boorama  ah oo ku nool dalka Canada lana  yidhaa  Maxamed Jaamac  Aye (Uurdoox),  iyadoo sida la sheegeyo qalabkaasi oo isugu jira  wershedo yaryar oo aan la sheegin waxay farsamayn doonaan, wiish, cagafyo iyo riigga Biyaha  soo saara oo sida la sheegay qodi kara ilaa 400 oo meter dhulka hoostiisa.

Dhinaca kale gaadiidka siday qalabkan oo aan darawaliintiisa  wax ka weydiiyey siday kusoo mareen jidka burbursan ee u dhexeeya Boorama iyo  Dila ayaa ii sheegay inay 20 saacadood u soo kala socdeeen Boorama iyo  Berbera, isla markaana ay dhibaato ka muteen godadka rafka ah, jeexjeexyada iyo dhagaxda tag-taagan  oo gaadiidkaasi  iyo qalabkaasi rafaad ku soo mareen.

Sidoo kale ayaa qaar ka mid darawaliintaasi sheegeen in markii ay Boorama soo gaadheen ay dhibaato kala kulmeen siday u mari lahaayeen magaalada dhexdeeda oo ay  gaadiidkaasi uga baqayeen xadhkaha dabka, kuwa isgaadhsiinta  iyo guryaha  oo  gaadiidkaasi ka qabsanayey xagga sare ama xagga dambe, taasina ay ugu wacantahay jid la’aanta magaalada ka taagan.

Idiris Jeermaan kana mid ah farsamayaqaannadii gaadiidkaasi iyo qalabkaasi ka soo raacay Berbera  ayaa ii sheegay oo yidhi ma jiro wax jid la yidhaa oo gobolkan la mari karaayi, horumar la gaadhi maayo inta jidkeennu sidaa yahay, tobannaaan jeer ayaa xukuumadda loo sheegay .Haddii aannaan cagaftaasi wadan, gaadiidkaasi iyo qalabkaasi ma gaadheen Boorama ee dhexda ayey ku burburi lahaayeen, mar kastana intaan joogsanno ayaan cagaftaasi ku aasaynay godadka aan uga baqno inay gaadiidkaasi ku rogmadaan “.

Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.(Hyena)

Comments are closed.

Ha iga ooyin aamu hooyo