Shirka Aqoonyahanka Awdal & Salal waa tusmo soo dhaweyn mudan
Awdalpress-Riyadh- Sida uu qeexayo Xadiithkii Nabigeenna Muxammad (SCWS) ee ahaa “ Walaalkaa u gargaar haddii u gar leeyahay iyo haddii uu gar daran yahay labadaba”; waxan walaalkay Maxamad Xasan Mataan u soo jeedinayaa inuu raaligelin ka bixiyo maqaalkiisa ku soo baxay shabakadda Harowo ee uu ku daadifaynayo qaban-qaabada shirka aqoon-yahanka ka soo jeeda Gobollada Awdal iyo Salal, kaas oo uu sheegay in lagu qabanayo magaalada Minnesota ee dalka Maraykanka.
Ma muuqato sabab looga hordhaco shir aan weli la shaacinnin ajandihiisa; mana habboona in la mala-awaalo ujeeddooyin aan sugneyn oo dadka loogu sawirayo “Wax dumin” – xaasha! Aqoonyahanka Awdal iyo Salal ma geyaan erayada walaalkay u adeegsaday isagoo haddana ka markhaati kacaya in Aqoonyahanka Awdal uu ahaa kii dhidibbada u taagay Somaliland ee lahaa farsamadii lagu hagayey shir beeleedkii lagu dhisay Jamhuuriyadda Somaliland; isla markaana qoray Axdi Qarameedkii laga dheegay ama saldhigga u ahaa Distoorka maanta Qaranka lagu hoggaamiyo.
Sidaa awgeed, aqoonyahanka Awdal & Salal waxbay dhisaan ee wax ma dumiyaan; sidaasna waxa cadeyn u ah:
1- Hormuudka Jaamacadaha Somaliland ee “ Amoud University” ee horseeday in mudanka-kheyraadka oo ah dhalinyarada dalku aanay cidlo kaga hadhin aqoonta iyo waxbarashada.
2- Cusbitaalka dhawaan lagu wareejiyey isla Jaamacadda oo isna caafimaadka guud ee bulshada kaalin muhiim ah ka gali doona insha Allah. Ilaahay haka abaalmariyo intii abaabulkiisa laheyd ee Ilaahayna u suurageliyey.
3- Biyaha Awdal, gaar ahaan magaalada Borama ee ka tilmaaman magaalooyinka dalka.
4- Warshadaha qaarna la furay, kuwo kalena ku dabajiraan .
5- ARDAA, IQRA & kuwa kale (the non-profit organizations) ee loo abuuray guud ahaan horumarinta arrimaha bulshada siiba ka faa’iideysiga kheyraadka dhulkooda oo iyaguna wada hawlgal ah.
Arimaha siyaasadda ama ololaha ku saabsan doorashada Madaxtooyada Somaliland shirkan aqoonyahanka reer Awdal & Salal inuu waxtar u yeesho mooyaane wax uu ka ridayaa ma jirto; gaar ahaan Madaxweynaha hadda talada haya oo ka soo jeeda Awdal& Salal. Waxa haddaba ka-hadal iyo tilmaan u baahan:-
1- Golayaasha sharci dajinta sida Guurtida & Wakiillada oo waqtigoodii dhammaaday ama gabogabo yahay ee immika uun “Kaam Dhugad” iyo jabhadeyntu ka dhex oogsatay.
2- Xisbiyada mucaaradka een qabyaaladda la gabbanaynin ee weliba la wada arkayo abaabulka iyo heesaha lagu dagaal galayo, sida markii Siilaanyo la soo dhaweynayey Usbuucii tagey ee lagu heesayey…..DHULKA SOW ANIGU MA LIHI.
3- Xukuumadda haleelba loo diiday ee lagu hor qalay muwaadiniin aan waxba galabsan; isla markaana horteeda lagu burburiyey agabkii diiwaangelinta ee iyadu gacanta ku haysay.
Waxan ku soo gabagabeynayaa, shirka Aqoonyahanka Awdal iyo Salal ma wuxu ka xanuun batay shirarka qabiilka ee dalka gudihiisa iyo dibaddaba lagu qabto ee wEliba lagu faanayo – jawaabtu waa maya oo way caddahay.
Sidaa darteed,waxan ugu baaqayaa bulshada Awdal & Salal inay shirka soo dhaweeyaan, cid kasta oo u damqaneysaa haka dambeyso, waxa suuragal ah inuu faa’iido keeno ee idinkoon shareysannin ka gungaadha ujeeddada shirka loogu baaqay; kadibna qaata wixii waxtar leh ee ka soo baxa, taas ayey danta deegaanka iyo dariskuba ku jirtaaye.
Ilaahay ha inna waafajiyo wanaagga Aamiin! Aamiin! Aamiin!.
Maxamd Cabdullahi Xaaji Obsiiyeh
Riyadh – Saudi Arabia
Email: mao.obsiyeh@live.com

