Wararkii Wargayska Yool Ee Maanta Halkani Ka Akhriso
Taageerayaasha KULMIYE ee Lixda Gobol oo Buuxin Waayey 100 Mitir oo Masalaha ah
Hargeysa(Yool)-Taageerayaasha Lixda Gobol ee Xisbiga Mucaaridka ee KULMIYE oo ay weheliyaan kuwa Xisbiga Mucaardka ee UCID, ayaa buuxin waayey Boqol Mitir oo ka tirsan barxadda weyn ee ka horaysa Madaarka Magaalada Hargeysa, halkaasoo ay ku samaynayeen dammashaad ay ku soo dhoweynayeen Guddoomiyaha Xisbigooda Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, oo Axaddii Toddobaadkii inna soo dhaafay dalka dib ugu soo laabatay, ka dib markii uu soo dhammmaystay booqasho uu ku tegay dalka Maraykanka.
Daraasad uu Wargeyska Yool ka sameeyay dadkii ka qayb qaatay dhoolla-tuska Isku-soo-baxa taageerayaasha Xisbiga KULMIYE ay ku soo dhoweynayeen Guddoomiyahooda, ayaa waxa aannu ku ogaannay in Boqolkiiba Lixdan (60%) dadkii ka qayb qaatay ay ahaayeen dhalinyaro isugu jirtey Wiilal iyo Gabdho. Kuwaasoo ahaa, sida daraasaddu sheegatay qaar mabda’ ahaan aan u aaminsanayeyn ah-daafta Xisbiga KULMIYE, haseyeeshee ay ka qayb galka isu-soo-baxaas ku keliftay asbaabo la xidhiidha XARAABAYSI iyo MADA-DAALLO, waxa ay dhalinyaradu u taqaan.
Waxa kale, oo daraasaddu sheegtay in marka laga eego xagga Mab’da calaamad su’aal la saari karo waxyaabihii ay kala aaminsanaayeen dadkii goobtaa isugu yimid iyo Guddoomiyha Xisbiga KULMIYE Md. Siilaanyo, ka dib markii codkiisa si toosa looga soo daayey idaacadda VOA-da, taasoo uu ku sheegay inuu aamminsanaa Mab’da Federaalka, halka ay dadkaasina ka aaminsanyeen mu’qadsnimada Somaliland.
Geesta kale, waxa daraasaddaasi daaha-ka-rogtay in taageerayaasha Xisbiga KULMIYE ee ka kala yimi shanta Gobol ee dalku ay tiradoodu ahayd Boqolkiiba Labaatan (20%) marka loo eego dadkii ka qayb galay soo dhoweyntaasi, kuwaasoo ahaa qaar ka soo qayb galkoodu uu ku salaysanaa hab-caadifadaysan, balse haba yaraatee, aan wax Mab’da ah ku socon. Isla markaana ka cadhooday hadalkii ka soo yeedhay Wasiir-ku-xigeenka Khaarajiga Somaliland oo keliya.
Haddaba, waxa aan shaki ku jirin arintaasi ay su’aalo faro badani ka dhex abuurayso bulshada reer Somaliland, taasi oo sababi karta in marka danbe isku dhac ka dhex dhasho shacbiga Somaliland ee hadda iyagu nabadda ku wada nool, si markaa taas looga badbaado, waxa laga rabaa in Guddoomiyha Xisbiga KULMIYE Md. Axmed Siilaanyo uu bulshada u kala cadeeyo halka uu ku aaddan yahay mawqifkiisa siyaasadeed ee dhabta ah, isagoo taasina u marinaya Warbaahinta Maxaliga ah iyo tan dibedda labada-ba, si la mid ah dhawaqiisii hore ee shacbiga ka dhegysteen idaacadda VOA-da.
Cuqaasha Galbeedka Burco oo ku Hanjabay inay ka Jawaabi Doonaan Hadalkii ka Soo Yeedhay Siilaanyo ee Federaalka
Hargeysa(Yool)-Cuqaasha guddiyada iyo Odayaasha Beelaha Galbeedka Burco, ayaa baaq wada jir ah oo ay Salaasadii Toddobaadkan soo saareen, waxa ay ku sheegeen inay jawaab cad ka bixin doonaan hadalkii ka soo yeedhay Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ee ku saabsanaa Mabda’iisa Federaalka.
Cuqaashaasi oo ka koobnaa ku dhowaad afartaneeye, ayaa baaqooda ku sheegay in haddii Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE uu mar dambe ku celiyo hadalkii uu ka sheegay Idaacadda VOA-da ka bixin doonaan jawaab cad. Iyaga oo carrabka ku dhuftay in hadalkaasi ahaa mid dhaawac weyn u geystay dadka reer Somaliland, isla markaana waqtigaa uu Guddoomiyaha KULMIYE ka mid ahaa dadkii sida weyn uga soo horjeeday arintaa.
Waxa kale, oo kooxdaasi Cuqaasha ahi ay soo qaateen dhawaqii kan la midka ahaa ee Guddoomihii Ururkii SNM Marxuun Cabdiraxmaan Tuur uu ka sheegay Magaaada Adis Ababa ee dalka Itoobiya, kaasoo ay carrabka ku dhifteen in shacbiga reer Somaliland ka wada dheregsan yihiin waxyeelladii ka dhalatay. Haddaba, warkaasi oo faah-faahsan, waxa aannu bulshada ugu soo gudbin doonaa Caddadka dambe
Guurtida: Casuumadii Sh. Nuux, Dhawaqii Dhugad iyo Dhoola-tuskii Cabdi Waraabe
”Waxaan Golaha isugu Yeedhay Bal in la Yidhaahdo Nimankii Waxbay Wadda Cunayaan”
Gudoomiye-ku-xigeenka Koowaad ee Guurtida
Hargeysa(Yool)-Gudoomiye-ku-xigeenka Koowaad ee Guurtida, ayaa Shalay huteelka XARAF ee Magaaladda Hargeysa qado sharaf ugu sameeyay 82-ka Xildhibaan ee Golaha Guurtida.
Xafladdan oo ujeeddadeedu ahayd mid Xildhibaannadu si gaar ah isugu uur-xaadhanayeen, kadib khilaaf in muddo ahba ka dhex aloosanaa Golaha Guurtida, ayaa waxa agaasinkiisa lahaa Guddoomiye-ku-xigeenka Koowaad Md. Sheekh Axmed Sh. Nuux Furre, waxa uu yidhi “Maanta waxaan Golaha iskugu yeedhay dadku waa kuwii inagu sheekaysanaye bal in la yidhaahdo nimankii waxbay wada cunayaan (Guurtida), oo nimankii colba maaha, oo sidaynu moodaynayba maaha, in la yidhaahdo ayaan is leeyahay. Hadalka iyo wixii wax isku sheeg ahna Golaheenii ayaanu la tagi haddi Alle yidhaahdo. Barigii aynu xereta ahaan jirnay waxa la odhan jiray labadda kitaab wadda akhrisatay waa laba naas wadda jaqday oo kale, dadka labadii isku gole ahiba waa walaalo ee wadda shaqaysaa.” Ayuu yidhi: Sh. Furre
Gudoomiyaha Golaha Guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa hadal kooban oo uu ka jeediyay xafladaasi, waxa uu aad ugu mahadnaqay Gudoomiye-ku-xigeenkiisa oo si shakhsi ah kaligii u marti qaaday golaha oo dhan, isagoo arintaa ka hadlayayna, waxa uu yidhi: “Sheekhu wuu ku mahadsanayahy haddii uu maanta (Shalay) iskugu keen yeedhay, oo uu yidhi waar baryahan inaynu isku mid nahayba waad ilowdeen, haduu yidhi aad iyo aad ayuu markale ugu mahadsanyah, wixii talo iyo wax isku sheeg ahna sidii sheekhu u sheegay Golaheeni ayaynu la tagaynaa”
Geesta kale, Xaaji Cabdi Xuseen (Cabdi Waraabe iyo mudane Cabdilaahi Ibrahim Xirsi (Dhugad), oo labaduba ka tirsan Golaha Guurtida ayaa uga mahadnaqay Gudoomiye-ku-xigeen Kowaad casuumadda uu u sameeyay.
Labadaas xildhibaan waxay sheegeen in la soo gaba gabeeyay khilaafaadkii ka jiray golaha, waxaanay xuseen in goluhu u midaysanyahay gudashada waajibaadka shaqadda.
Ciyaaraha
Afrika oo 10-ka Dal ee ugu Sareysa Caalamka Lagu Arkay
Waddanka horyaalka Qaaradda Afrika ee Masar, ayaa waxaa uu kaalin wanaagsan ka soo galay qiimeynta bilaha ee Fifa ay samayso, xulka lagu naaneyso Faraaciinta ayaa waxaa ay ka soo dhaqaaqeen kaalinta 14-aad iyagoo soo galay kaalinta 10-aad ama 10 dal ee ugu sareyso iyagoo kaalinta 1-aad ay ka yihiin qaaradda Afrika.
Waa markii ugu horreysay oo Masar ay heerkan ka gaadho qiimeyntan caalamka waana markii labaad oo dal ka socda qaaradda Afrika uu tiigsado heerkan oo kale ama uu soo galo 10 dal ee ugu sareyso qiimeynta Fifa iyadoo sannadkii 1994 dalka Nigeria ay soo galeen kaalinta 5-aad.
Nigeria ayaa waxay soo dalacday ilaa todobo kaalin iyadoo haatan kaalinta 15-aad caalamka ay kasoo gashay qaaraddana ay kaalinta 2-aad ka gashay bishaan.
Masar, ayaa 1-0 axadii ugu adkaaday dalka Ghana cayaar final koobka Afrika ahayd waana markeedii saddexaad ee isku xig xiga oo ay qaado dalka Masar koobka qaramada qaaradda Afrika.waana markeedii 7-aad.
Sidoo kale, dalalka Afrika ee soo dalacay qiimeynta Fifa ayaa waxaa kamid ah dalka soo gaadhay Finalka koobka Afrika ee Ghana oo kaalinta 27-aad soo gashay iyadoo 5-aad kaga jirta tan Afrika waxaana ay kor u soo dalacday ilaa 7 kaalmood tan Fifa.
Dalka Cameroon ayaa waxaa uu lumiyay ilaa sagaal darajo isagoo hoos u dhacay waxaana uu haatan tan Fifa ka galay kaalinta 20-aad halkii uu horey kaga jiray 11-aad.tan Afrika waxaa uu kaga jiraa kaalinta 3-aad.
Geesta kale, waxaa jira dalal kale oo afrika kuwaas oo kor u soo dalacay qiimeynta caalamka ee FIFA waxaana kamid ah dalka Zambia oo kaalinta 73-aad soo galay isagoo kor u soo kacay ilaa 11 darajo.
Halka Malawi ay soo galay kaalinta 82-aad waxaana uu kor u soo kacay ilaa 17 darajo.
dalka Spain ayaa waxa uu ka galay qiimeyntan caalamka kaalin 1-aad oo laga saari la’yahay isagoo ka horeeya dalalka Brazil iyo Netherland oo 2 iyo 3-aad kala galay.
Dalka Soomaaliya, ayaa waxaa qiimeynta Fifa uu ka galay kaalinta 179 halka dalka Jabuuti ay ka galeen kaalinta 193.Hadaba waa kuwan 10-dal ee qaaradda Afrika ugu sareyso iyo qoyska oo ah kaalinta ay kaga jiraan tan caalamka.
1. Egypt (10-aad Caalamka)
2. Nigeria (15 aad Caalamka)
3. Cameroon ( 20 aad Caalamka)
4. Ivory Coast (22aad Caalamka)
5. Ghana (27aad Caalamka)
6. Algeria (31 aad Caalamka)
7. Gabon (44 aad Caalamka)
8. Burkina Faso (51-aad Caalamka)
9. Mali (53-aad Caalamka)
10. Tunisia (55-aad Caalamka)
Xulka Ghana oo Abaal Marrino la Guddoonsiiyey
Dowladda dalk Ghana, ayaa waxay abaal marrino kala duwan ay siisay cayaaryahanadeeda ka qeyb galay koobka qaramada qaaradda Afrika kuwaas oo natiijo wanaagsan ka keenay.
Ciyaaryahan kasta oo ka tirsan dalka Ghana, ayaa waxaa la siiyay 20 kun oo dollar waxaana ay soo gaareen Finalka koobka afrika oo 1-0 ay kaga qaaday dalka Masar.
Madaxweynaha dalka Ghana John Atta Mills, ayaa waxaa uu kusoo dhaweeyay cayaaryahanada xulka Ghana ee ka qeyb galay koobkii kusoo dhammaaday dalka Angola magaalada caasimadda ah ee Accra.
Madaxweynaha ayaa u hambalyeeyay Tababaraha wadankaas Rajevac iyo cayaaryahanada xulka Ghana natiijadii wanaagsanayd oo ay kasoo gaadheen koobka.
Essien, ayaa waxaa uu kamid ahaa xulka ka qeyb galay tartanka waxaana xidigaas uu cayaaray 45 daqiiqo cayaartii ugu horeysaty.
Madaxweynaha ayaa waxaa uu si gaar ah ugu mahad celiyay gool haye Richard Kingson.
10-kii Ciyaartoy ee ku Jeesjeesay Naadiyadoodii Hore
Toddobaadkani waxan idiin soo daabacnay 10-kii Ciyaaryahaan ee ku hordabaaldeeay Naadiyadii hore ee ay u soo Ciyaari jireen, innagoo horay idiinku soo gudbinnay 10-kii Ciyaartoy Ee ka xishooday inay ku hor-dabaal-dagaan Naadiyadoodii hore.
Ciyaartoyda Qaarkood markii ay Naadigoodii hore ee ku soo kala tagaan khilaaf soo kala dhexgala Tababarayaasha, waxay raadiyaan Jaanis ay kaga soo horjeestaan si ay u dabaal dagaan markii ay shabaqa Gool daba mariyaan, halka Ciyaartoyda kale marka laga soo iibsado Naadiga ay u ciyaari jireen, ay ku farxaan markii ay Gool ka dhaliyaan iyagoo Naadi kale U ciyaaraya.
10) Richard Dunne, Manchester City to Aston Villa.
Xiddigani u dhashay Waddanka Ireland, Waxa uu u soo ciyaaray Naadiga Manchester City isagoo markii dambe ka mid noqday Xiddigaha Astonvilla,Richard Dunne ka hor inta uusan ka soo baqoolin Naadiga MAn city waxuu ka ahaa xidig lafdhabar u ah Sanadihii ugu danbeeyey.
Markii ay kulmeen Labadani Naadi Bilaawgii Sannadkii hore , Xiddigii sumcadda ku lahaa Naadiga Man. city, Dunne wuxuu gool Madax ahaa ka dhaliyey Kooxdiisii hore Ee Man City, isagoo muujiyey sida uu ugu faraxsanaa inuu arko isaga oo gool ka dhalinaya Naadigiisii hore Ee Manchester city.
9) Wayne Rooney, Everton to Manchester United.
Wayn Rooney waa Xiddig ku soo caanbaxay Naadiga Everton, hadda ka hor waxa uu ku soo qortay Funaanadda Everton, “Once a Blue, always a Blue,” iyadoo markii danbana uu go’aan ku gaaray inuu ka baqooli doono Naadiga everton, durbadiiba waxaa la wareegay Macalin Sir Alex Fergusen, oo keenay Garoonaka Old Trafford.
Rooney oo waayo wanaagsan ku bilaabay Kulankiisii koowaadba Naadiga MAnchester United, ayuu ka dhexmuuqday Kulan uu Naadigiisii hore ee Everton wada ciyareen Manchester United, Gool oo ka dhaliye Qaybtii Labaad Ee ciyaarta Naadigiisii hore ee Everton, wuxuuna ku hordabaal dagay, Taageerayashiisii hore Ee Everton.
Christiano Ronaldo, Sporting to Manchester United.
Xiddigani wuxuu ka mid ahaa Xiddigaha ka soo baxay dhalinyarta Naadiga Sporting club, isagoo markii danbe soo caga dhigtay Naadiga Caanka ah Ee Manchester United,
C.Ronaldo Wuxuu nasiib u yeeshay inuu arko isagoo ka ciyaaraya Garoonkii uu ku soo shaacbaxay Ee Jose Alvalado Stadium Ee Sporting Club, sanadkii 2007, Kulan ay wada ciyaren Naadiga uu hormuudka u ahaa ee MAn Utd iyo naadigiisii hore, C.Ronaldo waxuu gool ka dhaliye Naadigiisi hore, waxuu yiri intii u dabaaldagaye.
I eega , miyaan ahayn ciyaaryahan Wanaagsan” ayuu yidhi, Ronaldo, markii uu Gool ka dhaliye Naadigiisii hore Ee Sporting Lisbon, kulan ka tirsanaa Koobka Uefa Champions League, halkii uu muujin lahaa Taagerayashiisi hore xushmad.
7) Jimmy Floyd Hasselbaink, Chelsea to Charlton Athletic.
Waxaa la odhan karaa Jimmy Floyd Hasselbaink Waa mid ka mid ah Weerar yahannadii ugu wanaagsanaa ee soo mara Naadiga Cheslea, markaasi uu Libaax ka ahaa Xidigani Naadiga,isagoo naadiga Cheslea kasoo bixisay Recorkii ugu badnaa £15 million Sanadkii 2000.
Hasselbaink waxuu ahaa Weeraryahaan Cajiib u aha naadiga Chelsea, 177 Kulan uu usaftay waxuu u dahliye 87 Gool, isagoo Dhamaadkii Sanadkii 2004 uu ku biiray Naadiga Middlesbriough, ka hor intuusan ka mid noqn xidigihii Kooxda charloton.
Hasselbaink waxaa u suura gahsay inuu gool ka dhaliyo Naadigisi hore Ee Cheslea isagoo u Ciyaraya Naadiga Charloton, Hasselbaink waxuu si xushmad daro ah ugud abaal dagay goolkii uu ak dhaliye Naadigiisi hore Ee Chelsea.
6) William Gallas, Arsenal to Chelsea.
Waa Daafac u dhashay Xulka France, Wuxuu waayo wanaagsan ku soo qaatay Garoonka Naadiga Chelsea e staform Bridge, Sababtii ugu wayneyd uu Galas kaga soo tagay Cheslea waxay ahayd markii Numberkiisi 13-aad Loo xiray xidiga Reer Germany u dhashay Ee Michael Ballack.
“Qandaraaskayga Naadiga Cheslea waxaa iiga hadhsan 3 sano, waxaan ugu deeqay Sanad kale mana saxeexin, maxaa yeelay kuma aanan faraxsaneyn Naadiga Cheslea,Gallas ayaa sidaa yidhi
William Gallas Waxuu ka mid noqday Xidigaha uu uu ku faano Tababare Aresna Wenger, Gallas waxuu balanqaaday Hadii uu gool kale Naadigiisi hore Ee Cheslea uu farxi doono inuu hantay koobka Adduunka oo kale,Sanadkii 2007, Gallas waxaa u suura gashay inu gool ka dhaliyo Naadiga Cheslea, taasoo Arsenal u sahashay inay guul ka hesho Naadiga Cheslea Sanada kadib,isagoo Gallas ka dhabeeyey Balanqaadkii uu hore u balanqaaday.
5) Kenny Miller, Rangers to Celtic.
Labadani Naadi markii ay Kulmaan, way ka duwan tahay ciyaaraha kale ee Scotland laga ciyaaro,Kenny Miller, Waa xidig u soo ciyaaray naadiga Rangers, isagoo markii danbe doorbiday inuu ku biira Kooxda ay xifaaltamaan Ee Celtic,
Kenny Miller Wuxuu Rangers u ciyaaray oo qudha Sanadkii 2000/2001. 30Kulan oo usaftay wuxuu u dhaliyey 8 gool,ka hor inta uusan u dhaqaqin Naadiga Wolverhampton Wanders. Lix Sano kadib Miller waxuu dib ugu soo nqoday Waddanak Scotland isagoo ku biray Naadiga Ku ciyaarta Funaanada Cagaarka iyo Cadaanka, Ee Celtic,
Miller waxuu Labo Gool ka dhaliye Kulan Derby ah oo loogu magac daray Old Firm Derby dhexmaray Naadigiisi hore ee Rangers iyo Naadiga Celtic uu u safnaa xiligaasi, isaga oo si aad ah ugu dabaal dagay Goolashii uu ka dhaliyey naadigisii hore Ee Rangers.
4) Luis Figo, Barcelona to Real Madrid.
Xidigani Garabka uga Ciyaari jiray Xulka Portuqal, Figo waxuu kasoo baqoolay Naadiga Barcelona iyadoo Taageerayaasha Barcelona si aad ah u jeclaayeen Xidigani, laakin markii uu kusoo biiray Naadiga Ee Xifaaltamaan Barecelona Ee Real Madrid, Taageerayasha Barca waxii markaasi ak danbeeyey Waxay mujiyeen Nacabka ay u qabaaan Xidigoodii hore ee Luis Figo,
Kulan El Clasico Derby Ee dhexmaray Labadani Naadi Barcelona iyo Real Madrid, wuxuu ahaa mid ku dhamaada Aflagaado iyo turyeen Luis Figo oo kala kulmayey Taageerayaashiisii hore Ee Barcelona, Figo waxuu gool qiyaano ah ka dhaliyey Naadiga Barcelona oo hore ugu soo ciyaari jiray, tasoo uu ku hordabaal dagay taagerayaashii ku qaylinayey Figo, sanadkii 2001.
3) Frank Lampard, West Ham to Chelsea.
Xidigaani Qadka dhex ka ciyaara, waxuu ku soo barbaaray Naadiga Westham,isagoo Xiligii Caruurnimadiisa ku soo biiray Naadigaasi Sanadkii 1994, waxuu u soo ciyaaray Afar Sano ka hor intuusan gadhin Naadigiisa Kowaad Sanadihii 1997/98,
Lambard isagoo xiran Funaada buluuga ha Ee Chelsea ku ciyaarto ayuu ka hor yimid Naadigisi uu Xirfadiisa kusoo bilabaabay Ee Westham, isagoo Gool Rigoodhe ah ka dhaliyey Naadiga Westham tasoo uu muujiyey inuu ku faraxsanyahay Goolka uu ka dhaliye Naadigiisii hore ee Westaham.
2) Emmanuel Adebayor, Arsenal/ Man City.
Kumaa ilaabi kara? Gool kii uu ka dhaliye Emmanuel Adebayor Naadigiisi Hore Ee Arsenal isagoo xiran funaanada MAnchester city,
Emmanuel Adebayor inuu Qaaradda Europe caan ka noqda waxaa u horseeday Macalinka Naadiag arsenal Ee Arsena Wenger, Adebayor Sanado wanaagsna uu kusoo qaatay Naadiga The Gunners waxuu doorbiday inuu u ciyaaro Naadiga Mushaaraadka badan bixisa Ee MAnchester City,
“Waan Jeclahay Macalin Arsena Wenger,marwalbana waxaan ilaaliyaa Jacaylka Arsena Wenger,waxaa sanada badan usoo ciyaray Naadiga Arsenal.” Ayuu yidhi Emmanuel Adebayor.
Adebayor waxuu Gool ka dhaliyey Naadigiisii uu ku soo shaacbaxay Ee Arsenal isagoo u Ciyaraya Naadiga MAnchester City Ciyaar, Arsenal 4-2 lagu xasuuqay, Emmanuel Adebayor Goolka uu ka dhaliyey Arsenal waxuu ku hordabaaldagey Taageerayaasha Arsenal dhinacooda, tasoo Ciyaartoyga Arsenal iyo taageerayaashuba aysan filayn in Adebayor uu sidan samaynayo.
1) Carlso Teves. Manchester United and MAnchester City,
Teves Waxuu Badbaadiye u ahaa Naadiga Westaham, isagoo Goolkii uu kaga badbaadiyey heerka labaad ee wadanka Naadiga Westham uu goolkaasi ka dhaliyey Naadiga Manchester United.
Carlos Teves had iyo jeer waxuu ku riyoon jiray inuu u ciyaaro Naadiga MAnchester United, isagoo markii danbe ka mdi noqday Xidigaha Sir Elex Fergusen uu ku faano laakin wax walba waxay isbadaleen markii uu Teves Kursiga Kaydka galay, isagoo Teves xilligaasi yiri.
“Haddii aan goolal badan dhaliyo, Kulamada kale Macalin Sir ALex Fergusen waxuu igalinayaa Kaydka.” Ayuu yidhi Carlos Teves.
Teves waxuu go’aansaday inuu katago Naadiga MAnchester United, Laba Sano oo baaqi ku ahaa Garoonka Old Traford, isagoo markii danbe ku biiray Naadiga MAnchester City Ee xifaaltamaan MAnchester United,
Carlos Teves waxuu wacad ku maray hadi uu gool ka dhaliyo Naadiga MAnchester United uu ku hordabaal dagi doono Wajiga Sir Elex Fergusen, Teves waxaa u rumowday Riyadaasi bishii Hore Kulan Carling cupka ka tirsana aee Fooda isku dareen Labadan Naadi, Taasoo Teves ka takhalusay Naadigiisii hore Ee MAnchester United isagoo Labo Gool ka dhaliyey islamarkaana uu ku hordabaal dagay Taageerayaasha MAnchester United taaso ka careesiisay Gary Neville oo kursiga Kaydka Ciyaarta ka daawanayey isagoo Fartisa dhexe ku fiiqay Teves oo dabaal dagaya, taso Neville uu aflagaado ula jeeday, oo haddi ay ku cadaado danbigani uu ganaax mutaysan karo Garry Nevile.
Source Wargayska YOOL

