Arday ka qalinjabisay Jaamacadda Burco

February 5, 2010
By staff-reporter

Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Togdheer Guuleed Daahir Samatar ayaa maanta Shahaadooyin waxbarasho ku doonsiiyay 110-arday oo ka qalinjabiyay Jaamacadda Magaalada Burco ee caasimadda gobolka Togdheer gaar,ahaan qaybta Labaad ee ku taala Suuqa

Ardaydan oo dhamaysatay Culuunta Farsamada Kumbuyuutarada ee IT-ga iyo luuqada Ingiriisiga oo baranaayay mudo Sannad iyo badh ah ayaa munaasibad ballaadhan oo loo sameeyay qalinjabintooda oo ay ka soo qayb galeen maamulka Jaamacaddaasi ,masuuliyiin ka tirsan wasaaradda waxbarashada gobolka Togdheer iyo waalidiin ayaa lagu qabtay Hoolka Jaamacadda Burco.
 
Kusimaha Goddoomiyaha gobolka Togdheer Guuleed Daahir Samatar oo xafladdaasi ka hadlay ayaa ka warbixiyay faa’iidada ay leedahay waxbarashadu waxaanu yidhi.”Adduunka waxa ugu qaalisan ee la bartaa waa Cilmiga waxa ugu xun ee laga cararaana waa jabhliga ,sidaa awgeed waxa la idiinka baahan yahay ardaydiinna dhamaysatay Koorasyada waxbarasho ee kala duwan sidii la idiinku tabcay in aad aqoontiinna ugu faa’iidaysaan dadkiinna,  oo aad noqotaan kuwo dalkooda iyo dadkoodaba anfaca”.
 
Waxa kale oo uu Mr .Guuleed ka hadlay Tahriibta iyo shaqo la’aanta ka jirta gobolka Togdheer waxaanu yidhi. “Waynu ka warhaynaa iyadoo ay shaqooyinka gobolka ka jiraa ay yaryiin, laakiin ay  haddana  jiraan dad dalinyarada ku wacyigaliya in ay Tahriibaan ,dadka arrimaha noocaas ah wada  waxa la idiinka baahanyahay haddaad tihiin ardayda  iyo waalidiinta in aad la dagaalantaan.

Shaqo la’aanta gobolka ka jirtana, waxaan leeyahay Shirkadaha Burco ka shaqeeya si loola dagaalamo shaqo la’aanta ardayda dalka gudihiisa wax ku baratay shaqaalaysiiya oo naga joojiya kuwa dabida wax ku bartay ee aad shaqaalaynaysaan anagu  Dawlad ahaan waxii awoodayada ah ee aanu ku yarayn karo waanu qabanaynaa.
 
Ugu danbeyntii waxa uu Guddoomiye Ku-xigeenka gobolka Togdheer u mahadceliyay maamulka iyo macalimiinta Jaamacadda Burco kuwaas oo uu ku ammaanay kaalinta weyn ee ay ugu jiraan sidii ay ula dagaallami lahaayeen Aqoon la’aanta iyo Jahliga ka jira gobolka.
 
Guddoomiyaha Jaamacadda Burco Prof.Cabdiraxmaan Jaamac Ducaale oo isna ka hadalay Munaasabaddaasi ayaa ka warbixiyay mustaqbalka soo socda waxyaabaha ay Jaamacaddu hiigsanayso iyo dadaalka ay ugu jiraan sidii  ay markasta sare ugu qaadi lahaayeen tayada Jaamacadda ,waxaanu Cabdiraxmaan sheegay in ay Jaamacadda ku soo kordhinayaan Macalimiin cusub oo ay dibadda ka keenayaan iyo Koorasyo cusub oo waxbarasho.

Togdheernews…

Comments are closed.

Ha iga ooyin aamu hooyo