Dhulka sow Anigu Malihi ninkii dhoof ku yimi bay Geeridu Dhibaysaa!!

February 5, 2010
By staff-reporter
Feb 4,2010

Awdalpress- London- “Haddii Heesahaa la isku qaado oo dhulka la kala sheegto oo ay dawladnimadu idinku fillaanweydo.Sow imanmayso Awdal iyo Salal sow Anigu malihi ama Sool Iyo Sanaag iyo Cayn sow anigu malihi”. Somaliland waa dhul ay ku wada noolyiin shucuub iyo qabaa’ìl mar iskaga soo hor jeedi jirey dhinaca siyaasadda. Shucuubtaasi waxay soo mareen dagaalo, kala shaki iyo burbur ka dhashay khilaafkooda. SNM markii ay ku guuleysatay in ay dalka ka xoreyso xukuumaddii Siyaad Barre waxay ku dhawaaqday siyaasaddii taariikhda gashay ee ahayd in dhammaan shucuubta reer somaliland ay yihiin dad walaalo ah oo dhul iyo dhaqanba wadaaga haseyeeshee ay siyaasadii xukuumadii Siyaad Barre kala geysay loona baahanyahay inay isugu yimaadaan gogol ay isku cafiyaan aayahoodana kaga tashadaan.

Siyaasaddaasi waxay kaloo xambaarsanayd inuu dhammaaday dagaalkii iyo kala shakigii u dhexeeyey shucuubtaas. Maalintaas waxa dadka reer somaliland wada martay dabayl caafimaad oo si dhib yar u wada daaweysay mucaarid iyo muxaafidba.

Waxa la gartay in la iska illaawo dhaawacyadii hore lana higsado sidii loo heli lahaa aayatiin iyo mustaqbal wanaagsan. Waxaa loo qalab qaatay sidii loo dhisi lahaa soomaaliland xor ah oo leh dhul, dad iyo calan u gaar. Waxa lagu ballamay in wixii hore u dhacay laga dhigo waxaan dhicin oo kale.

Waxa la isku raacay in la boogo-dhaydo oo qof walliba wixii soo gaadhay u arko waxa uga yimid dowladdii kaligii taliye Siyaad Barre. Waa la is cafiyey waana madashii Burco, tii Berbera iyo tii u dembeysay ee Boorama.

Markii ay dalka soo gashay SNM waxay ka badbaadday inay ku dhacdo khaladkii taariikhiga ahaa ee ay sameysey USC markii ay xamar ka xoreeyeen Siyaad Barre.

Maxay USC sameeyeen markay xamar qabsadeen?

Dadkii aan ka tirsanayn USC oo xamar loogu yimid waxay aamminsanaayeen in USC ay tahay jabhad la dagaalamaysa Xukun waxayna filayeen in marka ay xamar qabtaan ay dadka xakamyn doonaan oo  dowlad loo dhanyahay dhisi doonaan, sidaasna dalka nabaddii iyo kala dembeyntii ugu soo noqon doonto.

Markiiba waxa muuqatay in dagaalka iyo halganka USC uu ku salaysnaa qabiil iyo aargoosi, waxay bilaabeen in dadkii loogu yimid muqdisho iyo agagaarkeeda la ugaadhsado iyadoo aan loo kala eegeyn mid dembi leh iyo mid aan dembi lahayn. Waxa la geystay xasuuq iyo burbur aan la qiyaasi karin.

Waxaa baabuurta lagu soo xidhay warbaahiya yaal. ” Waxa la qaaday heestii ”Dhulka soo anigu ma lihi”. Maalintaas reer USC way qiireysnaayeen laakiin haddii ay ogaan lahaayeen natiijada ka dhalan karta jidka ay qaadeen iyo ficillada ay sameynayaan kun iyo kow jeer ayey ka fiirsan lahaayeen.

Waxay arrintu qaskaas iyo fowdadaas ku socotaba waxa dhacday in isla qabaa’ilkii USC qaarkood markii dembe loogu qaaday Xamar heestii “Dhulka soo anigu ma lihi” iyadoo xamar la kala sheeganayo taasoo lagu dareensiinayo Jeneral Caydiid iyo taageerayaashiisa oo ahaa kuwii koonfur ka xoreeyey Siyaad Barre inaanu shuqul ku lahayn Muqdisho ee uu gobollada dhexe ku laabto taasoo dhalisay in dhiiggu ku qulqulo laamiyada xamar, waana sababtaas sababta loo yidhi qabyaaladdu waa sida basasha oo kale meel ay isku taagtona ma leh.

SNM iyo Gudoomiyaheedii waqtigaas Cabdiraxan Axmed Cali oo kaashanaya wax garadka soomaaliland waxay ku guuleysteen inay somaliland ka badbaadiyaan jidkii ay USC qaaday. Waxay ku baaqeen musaalaxo iyo dib u heshiisiin. Waxay ka digeen in la kala aargoosto. Waxay ku dhawaaqeen in la dhiso dowlad ay ku mideysanyihiin dhamaan dadka ku nool Somaliland iyadoo aan loo kala eegin mucaarad iyo muxaafad taasoo natiijadeedii maanta la guranaayo.

Seeskii uu dhigay Cabdiraxmaan Axmed Cali waxa dhamaystiray Madaxweyne Cigaal labadoodaba alle ha u naxariistee. Madaxweyne Cigaal wuxuu beeray beertii nabada, dib u heshiisiinta iyo isasaamaxa, kadib markii uu madaxweyne ku xigeen u magaacbay Madaxweynaha maanta mr. Riyaale oo ka mid ahaa dowladii lala dagaalamayey hase yeeshee somalilander ah.

Soo dhaweyntii Gudoomiyaha Kulmiye Axmed Siilaanyo maxay na xusuusey?

Tiiraraka aasaasiga u ah nabadgelyada iyo ictiraaf doonka Somaliland waxa ka mid midnimada iyo wada jirka umadda reer Somaliland, si taas loo helana waa inaanay siyaasiyiinta somaliland laga maqal, laga dhadhansan, lagana dareemin wax soo nooleyn kara ama damqi kara dhaawacyadii shucuubta reer soomaliland hore u soo kala gaadhay ee laga bogsaday.

Mudadii uu gudoomiyaha Kulmiye dibeda ku maqnaa waxa qaar ka mid ah taageerayaasha xisbiga Kulmiye ka sameeyeen magaalada Hargeysa abaabul aad u balaadhan, abaabulkaasoo si hoose ay u wadeen ashkhaas gaar ah oo ka tirsan xisbiga kulmiye, kuwaasoo hore loogu yiqiin qabyaalada iyo isir kala sooca reer Somaliland.

Abaabulku wuxuu ku salaysnaa in shucuubta somaliland loo kala saaro kuwo soo halgamay iyo kuwo aan soo halgamin. Waxaa la beeray shucuur cusub, waxa la kiciyey dumarkii iyo carruurtii, waxaa la soo ururiyey Abwaano uu hor kacayo Maxamed Ibraahim Warsame “Hadraawi” oo sheegay inuu talaba ka yaqaanno “ha lagu boobo” waxaa la abuuray maansooyin cusub oo kicin ah, waxa la qaaday heesihii Siyaad Barre loo qaadi jiray “Dhulka soo anigu ma lihi”.

Maalintaas dad badan oo ka mid ah shucuubta reer Somaliland waxa galay dareen, waxay ismoodeen inay joogaan meel aan Somaliland ahayn. Dad badani way ogaayeen in maskaxda iyo maanka xisbiga Kulmiye ay ka guuxeyso goboleysi iyo cunsuriyad, waayo xisbigu wuxuu ku calaamadeysnaa dagaalo badan oo sokeeye oo hore uga dhacay dalka, laakiin waxaan la moodeyn inuu ilaa heerkaa abaabul qabiil ku kicin karo dadka.

Xisbiga Kulmiye wax badan taariikhda kama korodhsan. Ma fahmin macaanka iyo sharafta ay leedahay midnimadu. kama tusaale qaadan dowlado badan oo maanta dunida ka jira oo hore shucuubtoodu u dagaallameen kadibna heshiiyeen oo wada dhisteen dowlado dimoqraadi ah oo kuwa maanta aduunka ugu xoog badan ka mid ah. waxay ilowsanyiin in Nelsson Mandela madaxweyne ku xigeenkiisa u magacaabay ninkii 26 sannadood jeelka ku hayey.

Haddii maanta xisbiga Kulmiye wax ku doonayo talaaabadii 1991 USC ku hungowday, natiijadii ka dhalatayna ay maanta dadka reer USC qoomameynayaan. Haddii uu maanta rabo inuu kursiga ku gaadho siyaasadda ah Riyaale soomaalilander dhab ma ah waayo kama soo jeedo beesha dhexe. Haddii heesta “dhulka soo anigu ma lihi”” uu ula jeedo qabaailka aan ahayn beesha dhexe. Haddii Siilaanyo qabiil wax ku doonayo ee aanu tartan siyaasadeed wax ku doonaynin, ha ogaado in isna maalin aan fogeyn Cali Mahdi uga soo bixi doono Hargeysa oo loo qaadi doono “Dhulka soo anigu ma lihi” iyo “ninkii dhoof ku yimidbaa geeridu dhibeysaa” sidii Caydiid ku dhacday, waayo qabyaaladu meel ay ku istaagto ma leh.

Su’aasha dad badani isweydiinayaan waxay tahay maxaa ku kallifay xisbigii kulmiye inuu qaado wadadaas qarda-jeexa ah oo hore nin u qaaday aanu soo nabad noqon? Jawaabtu waa koobantahay waa nijad jab ku yimid xisbiga kadib markay arkeen kalsoonida ay ku qabaan dadka reer Somaliland xisbiga kulmiye iyo barnaamijadiisa inuu marayo meel 0 ah.

Somaliland wax ay ku weyday wada jir iyo isku duubnaan, kuma heli doonto kala qeybsanaan iyo abaabul qabiil. Dhulka somaliland dadka somaliland oo dhan ayaa iska leh carab iyo cajamiba.

Naaleeye Nuur
Email: naaleeye111@hotmail.com

Comments are closed.

Ha iga ooyin aamu hooyo