Wasiirka Arrimaha gudaha oo ka hadlay Qaraxii Laascaanood ee fashilmay
Awdalpress(L/anood) 05.Feb. 10– Qarax xooggan oo la sheegay inuu ahaa miinada nooca lagu qarxiyo Rumoot-ka oo habeen hore gil-gilay badhtamaha magaalo madaxda gobolka Sool ee Laascaanood, ayaa goobtii qaraxaasi ka dhacay waxa loogu tagay nin mayd ah oo la sheegay in uu isagu goobtaasi dhigayey.
qaraxaasi oo dhacay abbaaro toddobadii fiidnimo ee habeenkii khamiistii kana dhacay badhtamaha magaalada Laascaanood ayaa ka dib waxay ciidammada ammaanku isku xeereen xaafadaha ku wareegsan goobta qaraxu ka dhacay taas oo subaxdii waabarigii khamiistii shalay ay ciidammadu goobtii qaraxu ka dhacay ay ugu tageen ninkii dhigayey aaladdaasi qaraxday oo mayd ah isla markaana qaybtiisa sare ee jidhka gaar ahaan wajiga ay googa’een.
Wasiirka arrimaha gudaha C/laahi Ismaaciil Cali (Cirro) oo isagu hoggaaminaya wafti ka socda xukuumadda Somaliland oo iskugu jira wasiirro iyo masuuliyiin kale oo todobaadka horaantiisii u kicitimay magaalada Laascaanood oo wakhtigan xaadirka ahna ay ku sugan yihiin oo shalay warbaahinta kula hadlayey magaalada ayaa sheegay qaraxan inuu ku dhintay qofkii damacsanaa inuu fuliyo qaraxa, isagoo intaa ku daray in ciidanka ammaanka markii qaraxu dhacay habeen hore ay isku xeereen goobtii isla markaana gaadh culus ka galeen, balse markii waagu baryey goobta qaraxu ka dhacay loogu tagay maydka ninkii dhigayey walxaha qaraxa oo qaarka sare ee jidhkiisu googay.
Sidoo kale waxa uu wasiirku intaa raaciyey in goobtaas ay ka heleen Document, Mobilel iyo Rimoodka loo isticmaalo in lagu maamulo walxaha qarxa. Wasiirka Daakhiliga ayaa tilmaamay inaanay maydka qofkan weli aqoonsan sababo la xidhiidha nabaro waawayn oo wajigiisa iyo qaybaha sare ee jidhka ka soo gaadhay haatana ay bilaabeen baadhitaan.
Wasiirka Daakhilaga C/llaahi Ismaaciil Cali Ciro, isaga oo xaalada qaraxaasi sida uu u dhacay ka waramayaana waxa uu yidhi “ qaraxan oo xalay (habeen hore) ka dhacay magaalada Laascaanood islamarkiiba goobtii qaraxa ciidanka ammmaanka ayaa gaadh ka qabtay, markii waagu baryayna waxa goobtii loogu tagay Maydka ninkii damacsanaa inuu fuliyo qaraxa oo qaarkiisa sare googo’ay nabarrada waaweyn ee soo gaadhay awgeed laakiin goobtii waxa laga helay Dukumentiyo, Mobile iyo Rumoot loo isticmaalo in laga maamulo qaraxa, inkasta oo aan la aqoonsan ninka Meydka ah, balse baadhitaanku waa socdaa” ayuu yidhi, waxana uu intaa ku daray “mar qalde mar labaad ma qaldamo, dadweynaha Ilaahay waa ka aqbalay ducadii ay masaajiddada kaga ducaysteen in Ilaahay qabto cidda qaraxa wadda, markaa dadku aad bay u feejigan yihiin waanan u sheegnay in waxan oo kale marka ay arkaan aanay u dhawaan” Sidaasi ayuu yidhi wasiirka Daakhiligu.
Dhinaca kale ilo wareedyo aannu ka helnay dad ku sugan magaalada Laascaanood ayaa noo sheegay in ninka maydka ah ee aaladaha qaraxyada dhigayey laga helay cadaymo muujinaya cidda qaraxyadaa soo abaabulay isla markaana ka danbaysay, hase yeeshe si rasmiya shaaca loogama qaadin cida raadkaasi qaraxyada ah uu galay iyo kooxda soo abaabushay sumaddeeda iyo magaceeda toona, balse tibaaxo aanu helnay ayaa noo sheegay in ciidammada ammaanku ay heleen xog rasmiya oo ku wajahan qaraxyadii hore iyo qaraxan ugu danbeeyey kuwaas oo muddooyinkii ugu danbeeyeyba si xidhiidha uga dhacaayey magaaladasi Laascaanood oo intooda badan dhimasho iyo dhaawac loogu gaystay masuuliyiin sar sare oo ka tirsan ciidammada qaranka iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka.
Source; Haatuf

