Adhi ay dhaceen Maleeshiyada Gabilay oo dib looga soo ceshay
Awdalpress(Borama) –05 Feb.10—Koox budhcad ah oo haybtooda lagu sheegay dhinaca Gabilay ayaa shalay Adhi ka qaatay deegaanka Jaldhaabaha oo bari kaga began tuulada Geed-diqsi, Adhigaas oo ay lahaayeen xoolo dhaqato ka soo jeeda deegaanka dhinaca Dilla, waxaa ka daba gurmaday ciidan beeleedka deegaankaas, balse ciidamada Dawlada ee jiidaas kala dhexjooga ayaa ka daba gurmaday oo hawlgal degdeg ah ka sameeyay, halkaas oo ciidankaasi ay gaadheen budhcadii oo ay ka soo qaadeen Adhigii ay dhaceen.
Bishii hore ayay kooxdani ka dhaceen Qoys jiidaha hadhlay ula guuray adhigiisa oo ka soo jeeday deegaanada Baki, xoolahaas oo aan dib loo soo celin, dhacdadan ayaa noqonaysaa midi sadexaad ee ay kooxda maleeshiyada Gabilay ay Adhi ku dhacaan.
Dhinaca kalana waa marki u horaysay ee Adhi ay dhacaan dib looga soo celiyo, hadii hawsha xoolaha ay kooxdani ku dhacayso ay sii socotana waxaa iman karta in ay ku faafto dhinaca degmada gabilay oo jiidahaas imika nabadgelyadu ka jirtaa ay fawdo noqoto.
Si kastaba ha ahaatee waxaan warkan ka helay madaxda degmada Dilla oo u xaqiijiyay shabakada wararka ee Awdalpress in xoolahaas gacanta loo soo geshay dhinkooda.

