Mudane, Axmed Siilaanyo Xil uma baahna ee Xannaano ayuu u baahan yahay..
Maxamed Abgaal Xubin UDUB ah !
Hashim Goth, Borama(Awdalpress) — Siyaasiga Maxamed Jaamac Abgaal oo ka mid ah xisbiga talada haya ee UDUB ayaa maanta shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Boorama Hutelka RAYS, kaga hadlay arrimo badan oo dhinacyo badan taabanaya, Maxamed Abgaal isaga oo shirkiisa jaraa’id kula hadlaya u saxaafada ka hawl-gasha Awdal ayuu hadalkiisa ku bilaabay :
” Muddooyinkanba waxaan maqlaynay khilaafka ka aloosan golaha guurtida, waxaan idiin caddaynayaa in khilaafku aanu maanta bilaabmin ee uu bilaabmay markii golaha laga dhigay dhaxal, ee ninikii kursiga baneeya ee geeriyi ku timaad la yidhaa ku bedela ku reerkii marxuumku ka dhintay masaariifeeya, waxaa meeshii ka maqan caqligii oo wuxuu golihii noqday mid Agoon dhaxlay, sidaas ayaa madaxa la iskula jiraa, waxa ay ahayd in xeer tilmaamaya cidda booska buuxinaysa la sameeyo, guurtidu waa meeshii dadka kala saareysay oo immika u baahan in loo gurmado,..
Isaga oo la hadlaya Golaha Baarlamaanka ayuu yidhi Abgaal ” Golaha haysta codkii shacabka Somaliland oo muddadii ka dhamaanayso la doortay, isna wuxuu isku haystaa M/weynuhu waa sidaa iyo waa sidaa, taas loogama fadhiyin Baarlamaanka ee waxaa laga sugayay in xeerarka lagu dooranayo Guurtida iyo kuwa kale soo saaraan, illaa maanta shacabkii doortay waxba kama hayaan.
Abgaal isaga oo ka hadlaya dhanka xukuumada wuxuu yidhi ” Nin gunti xumi in uu waxqarsanyo ayaa la modaa, waxaan uga socdaa xukuumada oo wixii ay qabatay sheegan kari la’a, waxaan leehay waxqabadkiinna u sheega ummadda illayn kuraasta aad ku fadhidaan waa codkoodii shacabka idin doortay, haddii kale beenta ay mucaaradku leeyihiin…. xukuumaddu waxba ma qaban ayay shacabku rumaysan.
Abgaal wuxuu intaas raaciyey hadal uu ku weeraray guddoomiyaha xisbiga Kulmiye wuxuuna yidhi ” Guddoomiye Axmed Siilaanyo waa ninweyn oo mudan in la soo dhaweeyo, Ubax qoorta loo sudho, laakiin Axmed Siilaanyo xil uma baahna ee Xannaano ayuu u baahan yahay, waa marka aan dhawrayno ee wakhtiga uu marayo aan eegno, wakhtigii uu siyaasadda bilaabay waad og tihiin dadka maanta u badan dalka maba ay dhalan oo may jirin, waxaa loo baahan yahay in dadka da’da yar ee la socda wakhtiga siyaasadda loo banneeyo.
Ugu dambayn Mr.Abgaal wuxuu ammaanay madaxda Baannanka Somaliland wuxuuna yidhi ” Waxaa Somaliland ammaan mudan madaxda Baannaanka Somaliland oo si fiican u xakameeyay shilinkii iyo lacagtii Somaliland, waxaan leehay dalka waxaad ka mudan tihiin ammaan, waxaad ilaaliseen in lacagta dalku heehaabto, waxaanad ku ilaaliseen meel ayna ka dhaqdhaqaaqin, taas ayaan idinku ammaanayaa, ayuu yidhi Abagaal.
Maxamed Jaamac Abgaal waa siyaasigii ugu horeeyay ee ka tirsan UDUB ee dhaliil u jeediya Axsaabta mucaaradka isla markaan meelo badan docadoceeya….
Awdalpress- Boorama

