Mudaharaadkii ka dhacay Borama iyo kuwo kale oo la filayo yaase Raad ku leh
Awdalpress(Borama) 30 July,10– Mudaharaadkii ka dhacay maanta magaalada Boorama oo ahaa mid lagu diidanaa saamiga golaha wasiirada laga siiyay Awdal, ayaa ahaa mid si kedis ah u bilaabmay maanta Jimcihii, mudaharaadka ayaa waxa ka qayb qaatay dhalinyar wiilal iyo gabdho iskugu jiray, sidoo kale waxay ku dhawaaqayeen ereo ku lid ah dhinaca m/weynaha cusub.
Hadaba mar ay idaacada BBCdu ka waraysatay dhacdadan badhasaabka Awdal Maxamuud Sh,C/laahi ayuu sheegay in ay ahayd mid aan weynayn, isla markaana wuxuu sheegay in ciidanku kala kexeeyay, isaga oo ku adkaystay in aan rasaas badan lagu ridin, balse waxa jirtay in rasaaas xoogan ay ku rideen ciidanka milatarigu dhalinyarada banaanbaxa samaynaysay.
Si kastaba ha ahatee dadka banaanbaxa samaynayay ayaa la sheegay in ay qaarkood ku dhawaaqayeen ereyo ka lid ah Badhasaabka oo ahaa hala bedelo IWm ah, hadaba abaabulka mudaharaadka ayaa la sheegayaa in uu leeyay raadad badan oo ka dambeeya, dadka qaar ayaa leh qolyaha ka dambeeyaa dadkii dedaalka badan u galay Kulmiye ee balamaha loo qaaday oo waxba waayay, kuwaas oo dadkii ku qancinaya mudaharaadka, kuwo kalana waxay leeyihiin waa kooxo mucaarada oo dawlada cusub fashilinya, warar kale ayaa iyaguna tilmaamaya in ay gacmo shisheeye ku jiraan, oo ay arintu ka fogtahay meelahan soke, qolyahaas oo aaminsan in lacago soo galeen magaalada Borama,.
Si kastaba ha noqotee waxaa warar ku dhawdhaw dhinaca banaanbaxyadu sheegayaan in jiraan Abaabulo dheeraada oo la wado oo berina lagu samaynayo banaanbaxyo, wararka qaarna waxay sheegayaa in dad dawlada u daacad ahi ay iyaga qudhoodu wadaan mudaharaadyo taageero ah.
Awdalpress


![di (4)[1]](http://awdalpress.com/index/wp-content/uploads/2010/07/di-41-300x224.jpg)
![di (11)[1]](http://awdalpress.com/index/wp-content/uploads/2010/07/di-111-300x224.jpg)