Reer Awdal waxa ay maanta guranayaan wixii ay ka beerteen shirkii Borama ee 1993
Tan iyo markii gooni isutaaga Somaliland lagu dhawaaqaydad ka reer Awdal waxa ay hormood ka ahaayeen nabadayntii,hubka dhigistii iyo isku soo dhawayntii beelaha wada daga Somaliland. Sidoo kale waxa ay udub dhexeed u ahaayeen shirarkii dub u heshiineed ee ka dhacay Burco,Borama iyo Hargeysa.Dadka reer Awdal waxa ay ahaayeen dadkii u gurman jiray colaad kaste oo ka dhacda Somaliland,waxa ay u gurmadeen colaadihii Burco,berbera iyo Hargeysa.Waxa ay kaalin muhiin ah ka soo qaateen dhamaan dawlihidii xukunka ku soo kala danbeeyey,iyaga la’aantoodna dadka reer Somaliland maanta kumay faaneen nabada,horumarka iyo dawladnimadaba.Marka dib loo eego shirweynihii labaaad ee beelaha Somaliland iskugu yimaadeen magaalada Borama waxa ay ahayd meeshii dhidibada loogu aasay habka dawladnimo iyo habkii saamiyada kuraasta barlamaanka iyo golaha wasirada loogu qaybshay beelaha Somaliland wada daga ,saamiyadaas oo sees u noqday dawlada kasta oo dalku yeesho.Shirkii Borama waxa ay beelkasta awood u lahayd in ay ka hesho dawlada la dhisayo saami u qalma beeshooda hadii kale ayna hubka dhigayn dibadana ay ka noqon doonta waxkasta oo lagu heshiiyo. Hadaba maxaa ay reer Awdal u goosan waayeen saamigii xaqa ay u lahaayeen
Waxa aan odhankaraa waxa sababay qodobadan:
- Aqoon daro ka haysatay dawladnimada
- Hogaamiye dhaqameedyada reer Awdal oo is hortaagay taladii aqoonyahanada .
- Hogaamiye dhaqameedyada oo meel kaga dhacay beelweynta samaroon markii ay isku koobeen sadex dhadhaar oo kaliya iyaga oo karayey in ay is balaadhiyaan si ay u badsadaan saamiga ay ku yeelan lahaayeen dawlada.
- khilaaf soo kala dhexgalay beelaha samaroon,khilaafkaas oo ku salaysnaa saamiga dawlad lagu yeelanayo.
- Isku xidhnaan la’aan ka dhexjirtay aqoonyahanada iyo hogaamiye dhaqameedyada reer Awdal.
- Hogaamiye dhaqameedyada reer Awdal oo ishortaagay talawadaag iyo wada tashi.
Hadaba waxa maaanta reer awdal ku dhacay waa wixii ay iyagu gacmohooga ku goosteen shirkii Borama.Maanta reer Awdal lama haboona in ay canaan iyo eed masuul dawladeed iyo beel kaleba dusha ka saaraan.Beelaha kale ee Somaliland si xarfadi ku dheehantahay ayey u goosteen saamigoogii halka reer Awdal ay sheegeen in ay nabad ku doorsadeen saamigii ay xaqa u lahayeen sida ay inbadan sheegeen. Waxa manta reer Awdal la baray darsi wax ku ool ah,darsigaas oo raad lama iloobaan ah kaga tagay maskaxda qofkaste oo damiirleh .
Maxaa reer Awdal la haboon?
Waxa reer Awdal lahaboon in ay iskugu yeedhaan dhamaan hogaaamiye dhaqameedyada,aqoonyahanada,siyaasiyiinta,culumaa udiinka,iyo haweenka kulankaa soo lagaga hadlayo arimahan hoosku qoran
- In dib u sax lagu sameeyo habkii saamiyada loogu qaybsaday shirkii Boorama,habkaas oo beelweynta samaroon si badheed ah loogu dhacay.
- In dib u habayn lagu sameeyo habka loo qoondeeyey in lagu qaybsado kuraasta baarlamaanka habkaas oo ku salaysan gobolo loona badalo hab beeleed maxaa yeelay beelaha badhkood ayaa faramadhnaan noqonaya hadii kuraasta barlamaanka lagu qaybsado gobolo.
- In dib u habayn lagu sameeyo habkii diiwaagalinta loo maareeyey,diiwaan galintaas oo gobolada badhkood ku ciyaareen ujeedadii laga lahaa markii ay caruur,dad qurbaha ku nool iyo dad dhintayba la diiwaangaliyeen. sidoo kale gobolada badhkood diiwangalin kama dhicine waxa ka dhacay tirakoob.
Guntii iyo gunaanadkii waxa aan u soo jeedin lahaa bulsha weynta reer awdal in ay ku dhaqaaqaan sidii dib loogu sixi lahaa khaladaadkii ka dhashay shirkii Borama,habkii dadka loo diiwaangaliyey iyo habka kuraasta barlamanka loo qoondeeyey in lagu qaysado. Hadii ayna waxba ka qabanin arimahas xasaasiga ah wax dhici doona in sidaa lagu sharciyeeyo oo dawlad kasta oo wadanku yeesho ay u aragto arimo dastuur ah in la faragaliyaana la mid noqonayso dastuurkii oo la jabiyey.
By: Mustafe Aden Mohamoud
Tehran, Iran,”mustafe.adam@gmail.com

