Wardegdeg ah:Mudaharaado ka socda Boorama

July 30, 2010
By staff-reporter

Awdalpress(Borama) 30 July,10– Mudaharaado ayaa ka socda magaalada Boorama, kuwaas lagaga soo horjeedo xukuumada cusub iyo tirada laga siiyay wasiirada G/Awdal.

Banaanbaxan ayaa saaka ka bilaabmay magaalada Boorama, waxaana horkacayay dhalinyar wadata boodhadh iyo calan cusub oo labada dhinac buluug ah dhexdana cadaan ah isla markaana bil iyo xidig leh, dhalinayaradan ayaa ku dhawaaqayay dooni mayno dawlad reer ah, wuuna siree siilaanyo ha dhaco erayo sidaas ah ayay ku dhawaaqayeen dhalinyardu iyaga oo socod ku maray gudaha magaalada.

Dhinaca kala koox yar oo dhalinyar ah ayaa iyagu suuqa sisibta ee magaalada boorama ay iskaga hor yimaadeen dhalinta mudaharadka samaynaysay, dhalintaas oo iyagu watay calanka kulmiye, waxaana kala dhexgalay booliska magaalada.

Sidoo kale waxaa taayiro lagu gubay badhatamaha magaalada Boorama, ilaa hadana wey socdaan gadoodka ay samaynayaa dhalinyaradaasi, ilaa hadana ma jiraan cid wax ku noqotay mudaharaadkaas ka socda boorama, waxaana la adkeeyay ilaalinta goobaha ganacsiga iyo xarumaha dawlada oo

Comments are closed.

Ha iga ooyin aamu hooyo