Dufcadi u horaysay ee Heer Jamacadeed oo ka qalin-jabisay Jamacada Burco
Awdalpress(Burco) 13 March,10–Munaasibad si wayn loosoo agaasimay oo Dufcadi u horaysay ee Heer Jamacadeed oo ka qalin-jabisay Jamacada Burcologu talo galay qalinjabinta 93 arday oo darajada heer jamacadeed kudhamaystay afar kuliyadood oo kamida jamacada Burco ayaa manta lagu qabtay xarunta jamacada Qalinjabintan jamacada burco oo ah midi ugu horaysay ee abidkeed soomarta magalada burco ee gobolka togdheer taasi oo ardayda ka qalin jabisay ay 51 kamidi yihiin haween munasibadan ayaa waxa gobjoog ka ahaa Gudoomiya Barlamanka Somaliland C.raxman maxamed c.laahi ,wasiru dawlaha wasarada wax barashada, gudoomiya xisbiga ucid, xog hayaha guud ee xisbiga udub, gudoomiya ku/xigeenka kowaad ee xisbiga kulmiye, gudoomiya jamacada camuud, nugaal, madaxda gobolka togdheer , boliska iyo waliba boqolaal martiya oo isugu jira xildhibaano ganacsato macalimin iyo arday Gudoomiya baarlamanka C,raxmaan maxamed c.laahi cirro oo saaka kahadlayay xaflada qalin jabinta ayaa kaga dhawaaqay munaasibadaas lacag qadarkeedu dhan yahay 3.000 oo lagu taageerayo jamacada burco oo uu sheegay inay bixinayaan xildhibaanada baa lamanka Gudoomiya barlamanka waxa kale oo uu usheegay ardaydii qalin jabinaysay inay siiwadaan wax barashadooda ardaydan jaamiciyiinta ee ka qalin jabiyay jaamacada burco ayaa waxay ka kalayimaaden kuliyadaha shareecada maamulka iyo dhaqaalaha xanaanada xoola iyo waxbarashada taasi oo ahayd mida qudha ee kaga duwan ayeen jamacada Somali land dharka qalin jabinta oo ka koobna dharka hidaha iyo dhaqanka rag iyo dumarba Gudoomiya jamacada burco Dr.A/raxmaan jaamac du aale ayaa kutilmaamay jawigan manta ee jamacada burco miday sugaayen mudo badan isla markaana iftiin unoqon doonta waxbarashada togdheer iyo mida Somali land waxanu gudomiyuhu kacodsaday ganacsatada iyo dawlada madashaas isugu timi in taagero logaysto jamacada gaar ahaana gaadidka Xoghaya guud ee xisbiga udub jaamac yaasin farax ayaa isaguna silama filaana munaasibadaas ugaga dhawaaqay inay xisbi ahaan ku deeqayan Baabuur seerafa oo logu adeego jaamacada waxanu xoghayaha guud so dhaweeyay dadaalka jamacada burco iyo waliba in lagu dhaqaaqo mashaaricda iska wax uqabso ee lagu dhisay gobolka togdheer Sidoo kalena wasiiru dawlaha wasaarada waxbarashada Maxamed garaad maxamed oo isagu gacanta kagaliyay ardaydi qalin jabisay abaal marinadi logu talo galay ayaa ku sheegay talaabadan miday dhalisay wasaarada wax barashadu waxaanu usoo jediyay masuuliyiinta jaamacadaha in la ixtiraamo wada shaqaynta wax barasho.
Waxana kalo oo manta kamid ahaa masuuliyiinti manta kaqayb gashay munaasibada qalin jabinta Gudoomiyaha xisbiga Ucid Faysal cali waraabe iyo ku xigaynka koobaad ee xisbiga Kulmiye Muuse biixi cabdi oo labadooduba isku raacay in xukumada Somaliland looga baahan yahay in ay sii wado taagerada lasiiyo jaamacadaha Munaasibadan qalin jabinta ee burco oo lugu begay maalin jimca ah isla markaana siwayn loo adkeeyey amaankeda ayaa yaguna waxa kahad lay Gudoomiyaha Gobalka togdheer jaamac c/laahi warsame (biin) iyo duqa magaalada burco maxamuud axmed xasan oo laba dooduba hoosta kaxariiqay in ay udiyaar garoobi donaan siday uga midhadhali lahaayeen geedi galinta midhaha jaamacada burco iyado waliba Gudoomiyaha Gobalku ka balan qaaday in ay madax wayna Somaliland ugudbin doonaan in deeq wax barasho lasiiyo ardayda Jaamacada burco .
Xaflada qanjabinta jaamacada Burco waxa yaguna ka qaybaatay xildhibaan Goolaha sare ah xidhiban maxamed oo u yaboohay jamacada qadhaan gaadhaya $ 1000 oo uu xusay in ay bixiyeen isaga iyo xildhibaan maxamed yuusuf Shirkada dahab shiil oo iyaduna ku dhawaaqday qaadhan anay munaasibada ka sheegin Gudoomiya yaasha jamacadaha camuud.golis nugaal iyo waliba xubno kamida gudida ardayda jamacada ee qalin jabisay.Jamacada burco oo la aasay 2004 ayaa dufcadani waxay noqon doonta midi ugu horaysay ee laga arko wax soosarka jamacada tan iyo inti la aasaasay.
Qarannews

