M/weyne Shiikh Shariif oo la kulmay Raysal Wasaaraha Britain Gordon Brown

March 8, 2010
By staff-reporter
Gegida dayaaradaha Heathrow, LondonAwdalpress(London) 08 March,10–Madaxweynaha Soomaaliya, Shiikh Shariif Shiikh Axmed, waxaa uu galabta la kulmay Raiisal Wasaaraha Britain, Gordon Brown.

Madaxweynuhu iinta uu joogo dalkan Britain, wuxuu wadahadal la yeelanayaa madax badan oo ay ka mid yihiin Xoghayaha Arrimaha Dibadda, David Milliband, Xoghayaha Horumarinta Caalamiga, Douglas Alexander iyo Xoghayaha Arrimaha Gudaha, Alan Johnson.

Waxaa uu hadal u jeedin doonaa Jaaliyadda Soomaalida ee London iyo midda Birmingham.

Kulanka Raiisal Wasaaraha Britain, inkasta oo uu ahaa wakhti aad u kooban, haddana, waa munaasabad muhiim ah, maaddaama ay tahay Markii ugu horreysay ee Raiisal Wasaaraha Britain xafiiskiisa ku qaabbilo Madaxweyne Soomaaliyeed tan iyo markii Maadaxweyne Maxamed Siyaad Barre, uu la kulmay Raiisal Wasaarihii Britain, Margaret Thathcher.

Inkasta oo Madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan uu hadda ka hor BBC u sheegay in uu New York kula kulmay Raiisal Wasaarihii Britain, Tony Blair, haddana waxaa ay ahayd munaasabad ay ka wada qeyb galeen oo ay taagni isku weydaarsadeen erayo kooban.

Madaxweynaha Soomaaliya, Shiikh Shariif Shiikh Axmed, waraaq uu qoray oo lagu daabacay wargeyska the Guardian oo ka soo baxa London, ayaa waxaa uu Madaxweynuhu ku sheegay in kooxaha xag jirka ah ee Soomaaliya si fudud looga adkaan karo, haddii ay beesha caalamku laba arrimood wax ka beddesho.

Midda hore, in ay iska deyso niyad xumada ku saabsan in arrinta Soomaaliya aan waxba laga qaban karin.

Midda labaad, in ay iska illowdo dhalanateedka khatarta ah ee tusaya in Soomaaliya ay arrimaheedu iyada ku kooban yihiin oo aanay dunida kale saamayn ku lahayn.

Taladan Labaad ee Madaxweynuhu soo jeedinayo ayaa laga dhadhansan karaa in ay tahay mid dowladda Britain lafteedu ay ku fekereyso, taas oo markhaatigeedu yahay in Madaxweynuhu uu la kulmayo Xoghayaha Arrimaha Gudaha.

Madaxweynaha Soomaaliya, waxaa socdaalkiisa ku wehliya, Raiisal Wasaare Xigeenka ahna, Wasiirka Maaliyadda Shariif Xasan Shiikh Adan iyo Wasiirrada Arrimaha Haweenka, Dibadda, Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga, Tacliinta Sare iyo Jaaliyadaha Dibadda.

BBC

Comments are closed.

Ha iga ooyin aamu hooyo