Wasir Mohamud Dirir oo soo gaadhay Saylac Saaka
Awdalpress(Saylac) 01 Mar.10– Wasiirka Dalxiiska iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Ethoipia Amb.Mohamud Dirir ayaa saaka yimid magaalada Saylac, ka dib m arkii ay yimaadeen laba diyaaradood oo ay saarnaayeen wefti ka socday dalka Ethoipia oo u yimid Caleemo saarka Ugaaska Mustafe ee Beesha Ciise.
Ugaas iyo dadkii gelibnayay ayaa soo gaadhay magaalada Saylac galabnimadii Axada ee shalay, ka dib markii uu ka soo gudbay dhinaca dalka Jabuuti.
Salaadiinta Beesha Samaroon ayaa kaga hortegay Ugaaska Tuulada Tokhoshi salaadiintaas oo uu horkacayay Suldaan Saleebaan Cali, Suldaanka oo Saxaafada la hadlay u sheegay in beesha Samaroon halkaas ku qaabishay Ugaaska ayna isku bareen, waxaanan u soo galbinay dhinaca Saylac ayuu yidhi Suldaanka oo horkacaya Salaadiinta Gadabuursi iyo Ergooyinkooda.
Waxaanan samayn doonaa ayuu yidhi sidii aan labada Beelood ee walaalaha iyo dhalashadu ka dhaxayso iskugu toli lahayn.

